Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor & Musharraxiinta Mucaaradka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay a dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu Qoor Qoor la qaatay Midowga Musharaxiinta uu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka

“Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa goobjoog ka ahaa kulankii dhex-maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo xubnaha mucaaradka.

 

Kulamada siyaasadeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xilli la filayo in dhowaan uu furmo shirka wada-tashiga ee dowladda & dowlad goboleedyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this