Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay dacwadda badda ee ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,  Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso dacwadda badda ee Soomaaliya & Kenya, taas oo ay haatan dhageysigeeda ka socoto magaalada Hague, gaar ahaan maxkamadda ICJ.

Dr. Sulaymaan ayaa shaaca ka qaaday inuu soo xirmay wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda badda, islamarkaana Qareenada Soomaaliya ay soo bandhigeen doodooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in rajadooda ku guuleysiga kiiskan ay tahay mid aad u sarreysa, wuxuuna tilmaamay in shacab & dowlad loo mideysan yahay dacwadda badda.

“Waxaan halkan Ummadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka. 

Si kastaba dowladda Kenya ee muranka-gelisay baddeena ayaa ka maqan fadhiga maxkamadda, taas oo horey u dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, balse waxaa ku gacan seyrtay maxkamadda cadaaladda adduunka ee loo yaqaano ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this