Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyey geerida Malaaq Xasan Shurre

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Umadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hurmuud dhaqan,door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle  ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo,malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this