Deeq A. Posted March 17, 2021 Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi. Howl-galka ayaa ka dhacay dhinaca dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac. Saraakiil ka tirsan Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay hub kasoo furteen dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana ay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay. Muddooyinkii dambe ciidanka Puntland ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin kooxaha Daacish & Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites