Sign in to follow this  
Deeq A.

Malaaq Xasan Shurre oo geeriyooday iyo Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
malaaq.jpg?resize=489%2C460&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Umadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hurmuud dhaqan,door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo,malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday.

PUNTLAND POST

The post Malaaq Xasan Shurre oo geeriyooday iyo Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this