Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in uu soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwada badda

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaranka.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu si rasmiya u soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dr Sulaymaan, wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayay Soomaaliya ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.

 “Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in wakhtiga uu bilaaban doono wareegga labaad ee dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiskan  ay go’aan ka gaari doonto Maxkamadda ICJ kadibna ku wargelin doonto Wefdiga Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in uu soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwada badda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this