Deeq A. Posted March 16, 2021 Siyaasiyiinta Beesha Mogadishu Clan ayaa Caawa kulan Casho ah uga socdaa Magaalada Muqdisho, Kulanka waxaa goobjoog ah , Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Galmudug oo isagu Cashada bixiyay, Waxaa kaloo goobjoog ah Madaxweynaha Horshabeele Cali Guudlaawe, Kulankaan ayaa ah mid Beeshunuga arinsanayaa Xaalada qalafsan ee Doorasha la’aanta ay horseedey iyo Waxyaabaha ka dhalan kara Khilaafyada ka taagan Doorashada. Inkastoo aan Saxaafada lala wadaagayn waxyaabaha rasmiga ah ee laga wadahadlay laakiin Kulankaan wuxuu u gogol xaaraysa Kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Xilka sii haya ee lafilayo inuu ka dhaco Afisyooni. Sida aan Xogta ku hayno Madaxweyne Farmaajo ayaa hortaagan in Kulanku uu furmo, waana tan keentay in kulankaan uu caawi dhaco maadaama Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe lagu xanto Niman aan iyaga taladi ka go’in, waxaana muuqata in Caawa lagu canaanaya inay sitoosa u matalaan Dadka ay hogaamiyaan. Hoos ka daawo Sawirada The post Kulan caawa u socda Mudharixiinta, Qoorqoor iyo Guudlaawe appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites