Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan caawa u socda Mudharixiinta, Qoorqoor iyo Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiyiinta Beesha Mogadishu Clan ayaa Caawa kulan Casho ah uga socdaa Magaalada Muqdisho, Kulanka waxaa goobjoog ah , Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Galmudug oo isagu Cashada bixiyay, Waxaa kaloo goobjoog ah Madaxweynaha Horshabeele Cali Guudlaawe,

Kulankaan ayaa ah mid Beeshunuga arinsanayaa Xaalada qalafsan ee Doorasha la’aanta ay horseedey iyo Waxyaabaha ka dhalan kara Khilaafyada ka taagan Doorashada.

Inkastoo aan Saxaafada lala wadaagayn waxyaabaha rasmiga ah ee laga wadahadlay laakiin Kulankaan wuxuu u gogol xaaraysa Kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Xilka sii haya ee lafilayo inuu ka dhaco Afisyooni.

Sida aan Xogta ku hayno Madaxweyne Farmaajo ayaa hortaagan in Kulanku uu furmo, waana tan keentay in kulankaan uu caawi dhaco maadaama Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe lagu xanto Niman aan iyaga taladi ka go’in, waxaana muuqata in Caawa lagu canaanaya inay sitoosa u matalaan Dadka ay hogaamiyaan.

Hoos ka daawo Sawirada

1ECC2D19-1E84-478F-A898-A4911FFEE23F-629 047B635E-5582-4B6D-9A4B-0747163F7674-800 BCA38857-8CB9-440E-9898-217050230FC6-750 29E0357B-479B-4D82-907B-EFEACB739CA1-633 3C402A9E-2B03-480B-9D43-4191CA98E73F-614 BE97204A-8961-4E75-8404-136686D5A162-638 A6581B90-DC19-4B35-857F-A20AC72510B1-612

The post Kulan caawa u socda Mudharixiinta, Qoorqoor iyo Guudlaawe appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this