Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo caawa kulan isugu yeeray midowga musharaxiinta, muxuu kala hadlay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebookga ee madaxtooyada Galmudug ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu caawa kulan casho sharaf ah ku casuumay xubnaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay hooyga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyey midawga musharixiinta xilka madaxtinimo ee dalka,” ayaa lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Guudlaawe.”

Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe xubno kale.

Kulanka uu caawa Qoor Qoor ku casuumay musharaxiintan waxuu ku soo aadayaa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya, sidoo kalena aan weli lagu guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar qaatay maalmo oo dalka Turkiga uu ku joogay, waxaana weli Turkiga ku maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Waxaa jira xogo tilmaamaya in madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowaldda federaalka  ay doonayaan in gogosha shirkaas oo hadda Xalane taalla loo wareejiyo madaxtooyada.

161068773_3802441929792807_7683438649958 161262446_3802442866459380_7499149818758 cc-shakuur.jpg guudlaawe.jpg kheyre.jpg qoor-iyo-musharaxiinta.jpg qoor-xasan-guudlaawe.jpg qoor-1.jpg xasan-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this