Sign in to follow this  
Deeq A.

Waayihii Singapore Iyo Hogaamintii “Lee Kuan Yew”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib Markii ay Xoriyadda ka Qaateen Gumaystihii Ingiriiska 1963 (British colonizer) ayaa Waxa ay la Midoobeen Midowgii Maleesiya, Labo Sano kadib 1965 Ra’iisul Wasaarihii Maleesiya Tunku Abdulrahman ayaa Shir-saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in ay Maleesiya Banaanka Usaartay Singapore “Singapore is Out” iyadda oo markaa Sabab looga dhigay isku dhacyo Beelleed, kala Duwanaansho Siyaasaddeed iyo Dhaqaale Xumo ay markaa laddaalaa dhacaysay Singapore ayaa sabab Unoqotay in Dibada loo tuuro!.
Ra’iisul Wasaarihii Singapore Mr. Lee kuan yew ayaa Sacaadda yar kadib Saxaafada ka hor Ooyay isaga oo ka Murugooday sidda ay Malesia U tuurtay.
Singapore waxay Wakhtigaa Laddaalaa dhacaysay Faqri iyadoona Hoy u ahayd Kanaceedda Dadkeeduna waxay la liiteen Xanuuno uu ugu Horeeyay Xanuunka Kaneecada (Duumadda) Siddoo kale Waxaa Dalka ku Noolaa Dad dhaqamo kala Duwan iyo Dhaqamo Baddan leh, Diimo kala Duwana Haysta “Multiracial and Multicultural Country” Dallal kala Duwana kasoo kala Jeedda sidda Chine, Maleys, iyo Hindi
Ra’iisul Wasaare Lee Kuan Yew Mar uu Dadkiisa la had-layay ayuu yidhi “Sidduu Horumar ku Gaadhi Dal ay Dadkiisu Waddooyinka Qan-dhufta ku tufayaan” Lee kuan yew wuxuu Halqabsi ka dhigtay Qandhuuf kaliya laakiinse Kawaran Haduu uu Ogaan lahaa Dhaqamadda Dadka Dalkeena Biyaha iyo Qashinka Waddooyinka ku shubaya
Lee Kuan Yew wuxuu uguntaday siddii uu dalkiisa faqriga uga saari laha wuxuu ku waaniyay inay faraha kaqaadaan Siyaasadda oo ay wax lasoo baxaan wuxuuna yidhi wakhtigan waa wakhti shaqo Siddoo kale wuxuu soo aruuriiyay Dadkiisa intii wax baratay si ay Dadka wax ubaraan una sameeyaan Qorshayaal Horumarineed oo Dalkiisu Saboolimadda kaga baxo wuxuu soo dhawayeeyay Dhamaan Cidii Maalgashi rabta inay Dalkiisa ka Samaystaan Maaddaama oo aanu lahayn kheyraadka Dabiiciya oo Baddan “Few Natural Resources”.
Sanadkii 1967 Wuxuu Dowladda Israel ka Codsaday inay ka Caawiso dhisida Ciidankiisa si ay Maal-gashadayaashu iskugu halayn karaan Dalkiisa,
Sanadkii 1968 Waxaa Maal-gashaday ku dhawaad 52 Shirkadood, 1971 Wuxuu soo Saaray Shirkadda Duulimaad-yadda ee Singapore Airlines oo ka midda Shirkadaha ugu Wanaagsan Aduunka, 1981 Wuxuu dhisay Madaarka Singapore Oo 2013 Noqday Maddarka ugu Niddaamka Wanaagsan Aduunka Singapore Maanta waxay ka mid tahay Dalalka Dunida ugu Dhaqalaha wanaagsan,
Is-baddel ka Dhabta ah wuxuu ka yimaaddaa Guddaha Shacabka,

W/Q: Abdikadir Yaqoub Hassan Deri
Email: Kaadeer77@gmail.com
Phone: 063-4454990

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this