Deeq A. Posted March 16, 2021 Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xukuumadiisa iyo shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin dooda Soomaaliya ku soo ceshaynaso badda ay muranka galisay Kenya. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe ayuu ku yiri “Waxaan garab taaganahay qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda dacwada badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala carunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka”. Madaxweynaha Jubaland ayaa shacabka Soomaaliyeed meel ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca baddeena taas oo ah mas’uuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri madaxeynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwadda badda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites