Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo tibaaxaya in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa+Sababta & Cida la wareegaysa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoggo tibaaxaya in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa+Sababta & Cida la wareegaysa?

mombasa-port.jpg
 Dekedda Mombasa waa midda ugu mashquul badan gobolka

Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinuhu uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xidhiidha deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinuhu ku dhisay khadka tareenka.

Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku guuldareysato inay iska bixiso deynta gaadheysa 3.2 bilyan oo doolar.

Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaantay ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’

Balse bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa lagu sheegay ‘Gebi ahaanba ma jirto halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda dalka’

Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanka’

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this