Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo daah-furtay talaalka xanuunka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabadda lagu daah-furayay talaalka COVID19 ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS  Fowsiyada Abiikar, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, bahda Caafimaadka iyo dadweyne kale.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyada Abiikar ayaa lagu daahfuray talaalka Cudurka COVID19 oo la keenay Soomaaliya sidoo kale waxaa talaalka qaatay  xubno kale oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray qeybtii kowaad ee talaalka COVID19 oo noociisu yahay  Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof.

Wasaaradda Cafimaadka XFS ayaa u mahadcelisay cidwalbo oo ka qeyb qaadatay in dalkeena lasoo gaarsiiyo talaalka cudurka deg degta u faafi ee COVID19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this