Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri dacwadda badda ee Maxkamadda ICJ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Jubaland ay garab taagan tahay sidoo kalena rajo weyn ay ka qabto in Soomaaliya ay guuleysato dooda aan kusoo ceshaynayo baddeena ee ay muranka galisay dowlada Kenya.

“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Madaxeynahu.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this