Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Qoor Qoor iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta la kulmay Danjiraha anjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

161114312_3801305539906446_3894951443577804595_o 161584772_3801274196576247_1551485309785510476_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this