Sign in to follow this  
Deeq A.

“Adiguna Madaxweyne Beertaada Ku Jirri Maysid Dadkuna Xannuun U Dhiman Mayaan” Xildhibaan Si Adag Ula Hadlay Madaxweyne Biixi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland, ayaa ka dayriyay xaalada xannuunka coronavirus.

Xildhibaan Axmed Diiriye NacNac, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto xannuunka halista badan ee dadka saameeyay wuxuuna u soo jeediyay inaanu madaxweynuhu beertiisa ku gaban ee dadkan gurmad u sameeyo.

“Madaxweynaha waxaan leeyahay inta magaalada dibada uga baxday ee beertaada jirto ee dadkuna xannuun u dhimanayaan waa inaad wax ka qabataa”Sida waxa yidhi Xildhibaan Nacnac.

Xildhibaanka Axmed Diiriye, ayaa xisbiyada somaliland ugu baaqay inay xafladahan ay hoolalka yar ku qabsanayaan ka dayaan isla markaana dadkooda u naxaan.

Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland, ayaa qaylo dhaan ka diray xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka gobolada barigu waxaana ay sheegeen in dadka xannuunka covid-19 ku dhaco dadkoodu aastaan taasna nasiib darro tahay.

https://www.facebook.com/watch/?v=271475171208591

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this