Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saaka aroortii hore ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista CID-da ee maamulka Puntland.

Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Warsame Yuusuf Axmed, kaas oo lasoo wariyey inuu ka bad-baaday isku dilka ah ee lala damacsanaa.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta tegay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan & qaraxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this