Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga dacwadda badda ee ICJ oo maalintii labaad galeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta halkeedii ka sii socon doonta dhagaysiga dacwadda ee kiiska badda ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya inkasta oo Kenya ay sheegtay in ay ka baxday kiiskaas.

Qareenada difaacaya Soomaaliya ayaa maanta mar kale jeedin doona dooddooda, ayadoo sidii markii hore qorshuhu ahaa lagu waday in qareennada Kenya ay berri bilaabaaan doodooda balse haatan taasi aanay dhici doonin kaddib markii Kenya ay isaga baxday dhagaysiga dacwadda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo shaley hadal ka jeediyay maxakamadda ayaa sheegay in kalsooni ay ku qabaan Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Dowladda Soomaaliya waxay intaas ku dartay in go’aanka Kenya ee ah in aysan ka qayb galin dhagaysiga kiiska badda ay lid ku tahay waajibaadkeeda iyo sareynta sharciga .

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this