Sign in to follow this  
Deeq A.

Germany, France, Italy Iyo Spain Oo Joojiyay Isticmaalka Tallaalka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii ay soo bixino warbixino sheegaya waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xidhay xididada dadkii qaatay tallaalkaas.

Waddanka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xidhmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas.

Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta salaasada ah uu shir guddoominayo kulan lagaga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA.

Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID19, waxaana cisbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan.

Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay hadana aan meesha laga saari karin waxyeelada tallaalkan.

Spahn ayaa sheegay in joojinta tallaalkan uu soo jeediyay machadka cilmi-baadhista caafimaadka ee Paul Ehrlich, wuxuuna sheegay in taladaas ay ku qanacday dowladda Germany.

AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalka Midowga Yurub  iyo Ingiriiska taas oo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee laga soo sheegayo dalalka qaarkood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this