Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalabkii ugu ballaarnaa dhismaha dekedda oo maanta la gaynayo Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
Garacad.png?resize=832%2C542&ssl=1

Qalab ballaaran oo loogu tala-galay dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug ,ayaa la filayaa in uu maanta halkaasi gaaro, sida ay xaqiijiyeen guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda.

Qalabkan cusub ayaa ka kooban gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta qaada, Cagafyada dhagxaanta jebiya, Haamaha waawen ee shimitada lagu qaso iyo daawooyinka shubka lagu qallajiyo.

Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda qaab isku-tashi bulsho ah, waxaa maal-gelinaya Ganacsatada Reer Puntland, gaar ahaanna Gobolka Mudug, oo kaashanaya shacabka iyo dowladda Puntland.

Shaqada dhismaha dekedda oo wejigii saddexaad maraya, waxa lagu guulaystay in la dhiso 700 oo mitir gudaha badda, halka Shubabka saddex-geeska ah ee hirarka jebiya la dhisay masaafo ku dhow 600 oo mitir.

Garacad oo dhacda xeebta badweynta Hindiya, waxay ku taal Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo marin istiraatiijiya u ah isu-socodka Soomaaliya oo dhan iyo dalka Ethiopia.

PUNTLAND POST

The post Qalabkii ugu ballaarnaa dhismaha dekedda oo maanta la gaynayo Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this