Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Uk oo Somaliya ku dartay liiska dalalka halista ah ee booqanaya Dalkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Uk oo Somaliya ku dartay liiska dalalka halista ah ee booqanaya Dalkooda

 uk-1.jpg

Britain ayaa dalalka halista ah dadkoodu yimaadaan dalkeeda ku dartay afar dal oo ay Somalia ku jirto.

Itoobiya, Cumaan, Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu daray liiska casaanka ah ee muujinaya in dalkaas laga ilaaliyo noocyada cusub ee loo yaqaan ‘Covid-19’, waaxda gaadiidka ayaa sheegtay sidaas.

Isbeddelada ayaa dhaqan galaya 4-ta subaxnimo ee Jimcaha soo socda

Dadka ka yimaada dalalkan ee booqanaya Britain ayaa la karantiili doonaa, iyagoo iska bixinaya qarashka hotelka & cuntada oo gaaraya £1,750 qofkiiba.

Afarta dal ayaa ku biiraya 33 dal oo horey Britain ugu dartay liiska dalalka halista ee imanaya UK.

Dhinaca kale Britain ayaa dalka Portugal ka saartay liiska dalalka halista ah ee uu saameeyey COVID-19 sababo la xiriita dalxiisayaasha reer Britain oo xagaaga soo socda doonaya iney tagaan xeebaha Portugal.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this