Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudhharixiinta oo Beesha Calamka u sheegay inay raali ka yihiin In Farmaajo uu matalo Qoorqoor iyo Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegey in Kulamadii u dambeeyay ee Musharixiintu ay la yeesheen Beesha Caalamka ay uga wadahadleen kalsoonida ay ku qabaan waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka ka dhici doona Afisyooni.

Musharixiintu waxay sheegeen in Ay aad u danaynayaan inay qayb ka noqdaan Shirka balse hadii aysan suuragalayn ay taageersan yihiin wax alaale oo kasoo baxa kulanka.

Sida aan xogta ku hayno Musharixiintu waxay sicad ugu sheegeen Beesha Caalamka in ay ku qanacsan yihiin Natiijada Shirkaas mar hadii Beesha Caalamku ay korjoogtaynayso si Shirku uu San u noqon Kuwii hore oo kale waxayna hadalkaas raaciyeen , inay ku qanacsan yihiin hadii xitaa uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yiraahdo Anaa Shirka ku matalaya Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe,

Hadalkaan kasoo yeeray Mudharixiinta ayaa muujinaya in Musharixiintu ay labadaan Masuul u arkaan kuwo aan iyagu go’aan lahayn balse uu majaraja u hayo Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho

6F7E5116-560A-4058-954D-B724498BB3D1.jpe

The post Mudhharixiinta oo Beesha Calamka u sheegay inay raali ka yihiin In Farmaajo uu matalo Qoorqoor iyo Guudlaawe appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this