Sign in to follow this  
Deeq A.

jubbaland oo gacanta ku dhigTay lacago been abuur ah & maandooriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Ammaanka Jubbaland ayaa goor-dhaweyd gacanta ku dhigay lacago been abuur ah iyo waxyaabo maanka dooriya oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xeer ilaaliyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan Saciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen xeebta Kismaayo lagu qabtay dooni sidday 65 milyan shilin Soomaali been abuur ah iyo  maandooriyaha xashiishka, kuwaasi oo la doonayay in gudaha magaalada la geliyo.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa xusay in sidoo kale ciidamada ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo lacagaha been abuurka ah iyo waxyaabaha maanka dooriya waday, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

160716611_141102664578394_82994106206863 161174272_141102677911726_78885742897349 161353949_141102687911725_73832895263607

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this