Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo mid mid ula kulmay Xubno ka socda Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Muqdishobu jooga wada xaajoodka Doorashada ayaa maanta kulan la qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulankii Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto

8F88B777-5149-440C-A8F0-C6DAEF7DD55F-800

Madaxweyne Deni iyo Ambasador Donald Yamamoto oo kulankoodu socdey 45 Daqiiqo ayay wada falanqeeyeen Caqabadaha hortaagan Doorashada, Warar rasmi ah kamasoo bixin kulanka laakiin sida Puntlandi.com ay Xogta ku hayaan Safiirka Maraykanku wuxuu soo jeediyay in Puntland ay qayb ka noqoto sidii horay loogu soconayaa iyadoo Safiirka Maraykanku uu Codsadey in Puntland ay aqbasho in ay Villa Soomaaliya taagan.

Madaxweyne Deni wuxuu Safiirka la wadaagay Waxyaabihii ay isaga iyo Musharixiintu ka wadahadleen, wuxuuna gacanta ka saaray Safiirka Warbixin ay soo wada Diyaariyeen Musharixiinta iyo Deni iyo Axmed Madoobe warbixintaasoo ka hadlaysa waxyaabaha hortaagan in Dalka Doorasho ka dhacdo.

Kulankiii James Swan iyo Madaxweyne Deni

3389030D-037F-4408-91B5-C421E6EDF206-800

Madaxweynuhu wuxuunisna la kulmay Ergayga Qaramada Midoobay James Swan oo ah Ninka Garwadeenka ka ah Wadahadalada Doorashada, Swan wuxuu Madaxweyne Denibu sheegay in kulankii lagu balansanaa uu Madaxweyne Farmaajo sharuudo ku xiray, Sharuudahaasoo ay kamid yihiin in Kulanka loosoo wareejiyo Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Deni wuxuu Ergayga Gaarka ah u sheegay Caqabadaha dhabta ah ee hortaagan in Dalku Doorasho aado, Cabadahaasna wuxuu ku eedeeyay Madaxwwynaha Xilkiisu dhamaadey inuusan doonayn in uu Doorasho galo.

Warar hoose uu Puntlandi helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu Ergayga Gaarka ah u gudbiyey Warbixin ay soo wada Diyaariyeen isaga, Musharixiinta iyo Jubbaland warbixintasoo ku saabsan Waxyaabahabdhabta ah ee hortaagan in Dalka Doorasho ka dhacdo.

Waxaad moodaa sida hada waxbu socdaan in Puntland, Jubbaland iyo Musharixiintu aysan muujinaya Dulqaad dambe oo ay u muujiyaan Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Madaxweyne Deni oo mid mid ula kulmay Xubno ka socda Beesha Caalamka appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this