Sign in to follow this  
Deeq A.

Taiwan Oo Soo Dhawaysay Wakiilka Uu Imaraadka Carabta U Soo Magacaabay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraadku usoo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa faallo uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraadka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Taiwan oo ah dal aan aqoonsi caalamiya haysan, ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil usoo magacaaba Somaliland.

Dhinaca kale waxa rajo laga qaba in dawlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargaysa badhtamaha sannadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this