Deeq A. Posted March 15, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamada waxa ay uga fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan Danab oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku gubeen gaari Saaruf ah oo siday waxlaha qarxa. Sidoo kale saraakiisha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa sheegay inay howl-galkaasi ku dileen wadihii gaariga oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiisha aya intaasi raaciyey inay hayeen xogta gaarigan, islamarkaana la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi & qaraxa ay fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada & dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites