Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo la wareegtay Talaalka cudurka Covid-19 + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degtay diyaarad ay leedahay hay’adda cuntada Aduunka ee WFP, taas oo sidday talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

Tallaalkan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortagga xanuunka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Xogta tallaalkan & keenistiisa ayaa waxaa horey bulshada ula wadaagtay wasaaradda caafimaadka oo ku howlan la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ay dowladda kula wareegtay tallaalkan ku sugnaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Meelaha talaalka la geyn doono waxaa ka mid ah isbitaalka Martiini oo loo gaar-yeelay la tacaalida dadka uu soo ridday xanuunka Covid-19.

Dhimashada cudurkan & dadka uu soo ridanayo ayaa beryihii dambe sare u kacday, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado hor leh.

b1d5af3d-70ba-4d47-9f58-e0346818bd43.jpg 0908e62d-ab08-41de-9638-7717876c60d8.jpg 388e6295-d691-4daf-89a0-3aa6a0a03fa7.jpg 92c77a66-238a-4611-b114-a53bf540f9a9.jpg d1cdc0f8-a755-4679-bade-ff4616973756.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this