delpiero Posted March 30, 2003 A *Aan wada hadallo waa aan heshiino. *abaal raaga rag baa leh. *adoo hadhsan waayay ma laguu hadh galay. *ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe lahaw. *af wax cunay xishoo. B *Baahi nin kuu daran bay kuu gaysaa. *Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa. *Beeni raad ma leh. T *Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola. *Tuug tuug buu ku moodaa. *Talo nin kuma filna labana ku heshiin weydey. J *Jidhkii la hayo jiriid kama qoslo. X *Xabaalo qode xabaashiisaa la qodaa. *Xaasid ma aflaxo *Xoog haddad weydey xeel ma weydey. D *Dab iyo dawlad lama agjoogsado. *Dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa. *Dani xishood ma leh. *Dani kaa adag. *Damac badane dariiquu ku dhintaa. R *Rabi talo ku filan. * Run iyo roob lagama raysto. *Runtii sheege waa rabbi kayaabe. *Rag naagaa is-dhaafiyay. S *Saddex layiskuma daro: 1-bidaar iyo timo 2-been iyo dhaar 3-baryo iyo kibir. *Sirtaada naag looma sheego. *Suul faro ka gaaban. SH *Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. DH *Dhul iyo wax la dhalay baa loo marti yahay. *Dhumasho dhabarku mooqdaa dhumasho ma aha. C *Calool dharagtay cagli ma leh. *Calaf waa intii calool gasha. * Calool adayg waa ilaah wahelkii. G *Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan. F *Fulay hooyadii ma goblanto. *Faras iyo nin fuushan isma qalbi oga. *Far bugtaa faraha ka dheer. Q *Quruxi af bay ku taal. *Qoor dheeri madax ma dhaafto. *Qofkii soo joog laga waayo,soo jiifsaa laga helaa. K *Kaadii badne waa loo gogol badshaa. L *Lugtu hadday jeeniga dhafto way jabtaa. *Lafba lafta xigtaa lagu kabaa. M *Ma wacna wax aan qalanoo mindiyahana qarsano. *Miskiin baa misko la fuule leh. N *Naago ninkay legdaan kama kacaan. *Nin gaaban eraygii gaaban. *Nin qoyani biyo iskama dhowrow. W *Waxaad qarsataa waa ku qarsadaa. *Waxaad qabto ninkii qabaa lala degaa. H *Hadal waa ama dheh ama dhagaysoo. *Hada intuu uurkaaga ku jiro ammaan kuu yahay. *Hadba sida loo jabaa loo dhitiyaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
mojam Posted March 30, 2003 beatiful: i like the following: Xabaalo qode xabaashiisaa la qodaa. Saddex layiskuma daro: 1-bidaar iyo timo 2-been iyo dhaar 3-baryo iyo kibir. Quote Share this post Link to post Share on other sites