Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 14, 2021 Dalka mustaqbalkiisaba ciyaar ciyaar laga dhigtay. Qoorqoor iyo Laftagareen oo diidan ka qeybgalka shirka xarunta Xalane Ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay diidan yihiin shirka la qorsheeyey inuu dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono muranka la xariira doorashada Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noo sheegay in ilaa hadda ay Qoorqoor iyo Laftagareen ku maqan yihiin dalka Turkiga islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay soo baxaan dhowaan si ay uga qeyb galaan shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashooyinka dalka. “Wali ma go’aansan inaa imaano, haddii ay dhacdana waxaan qaadan doonaa waqti si ay noo sugaan inta aan sugi jirnay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ku dhow Qoorqoor. “Inaa muhiim nahay ayaa rabnaa inaa dareensiino beesha caalamka si aan muhiim loogu arkin oo kaliya qofkii wax diida, Deni iyo Axmedna waxaan rabnaa inaa tusino sugitaanka dhibka ay leedahay maadaama aan waligeen annaga sugi jirnay,” ayuu yiri. Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddo ka badan 10 maalmood waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyadoo ay xusid mudantahay in ay ahaayeen madaxda ugu horreysa ee iska xaadiriya goobaha lagu qabanayo shirarka doorashada Soomaaliya. Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa sidoo kale qorshaha uu yahay in xitaa marka ay yimaadaan Muqdisho ay dalbadaan in shirka uu ka dhaco Villa Somalia, oo aysan dooneyn inay uga qeyb galaan Xalane. Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted March 15, 2021 Why these " Maamul Goboleed" fools need in Halan? Why they keep dragging this nation to the bottom ? When former Speaker Mohamed Jawaari was challenged in the parliament, he demanded that the Amisom army to provide safety rather than the Somali army. Fortunately , he was denied the demeaning request. Farmaajo should never attend anything under Halane. If the worst comes, he should send his interior minister. Furthermore, why would this C/laahi Dani guy send a battalion in Mogadishu? The biggest threat in Mogadishu is car bombing or a bullet by one or two guys. He can settle any wherein Mogadishu with 10 well trained body guards. Quote Share this post Link to post Share on other sites