Sign in to follow this  
General Duke

Man divorces his wife, why?

Recommended Posts

Nin Si Layaab Leh Ku Furay Xaaskiisa (Qeybkee Ayuu ku Furay).

 

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda Los Angeles ee gobolka Califonia, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane aad isku jeclaa, hadaba lamaanahaan ayaa waxaa lagu kala magacaa Zubayr iyo Asia, waxaa la-sheegay asal ahaan in ay kasoo jeedaan dalka Sudan, balse ay kusoo barbaareen gobolka California.

 

Hadaba wararka ayaa waxay sheegayaan Zubayr in uu shaqo u aaday gobol Arizona ee isla cariga Maraykanka, halka uu xaaskiisa iyo laba wiil ay u dhashay uu uga soo tagay magaaladda Los Angeles.

 

Zubayr intii uu joogay gobolka Arizona ayaa waxaa la-sheegay habeen habeenada kamid ah in uu kasoo salalay hurdada, dhinaciisana waxaa yaalay teleefankiisa gacanta, waxaa la-sheegay in uu Text Message (SMS) uu u diray xaaskiisa, waxaana ku qornaa (Asia Mohammed oo ah xaaskayga waxay iga furan tahay 2 dalaaq), Asia oo arintaan ka faalooneysay ayaa sheegtay in aysan marnaba ka maleysaneynin odaygeeda waxa uu ku kacay, balse Zubayr ayaa dhawr jeer soo wacay xaaskiisa Asia, hase yeeshee maysan ka qaban teleefanka, taasoo ay ku micneysay nin aniga si qalad ah igu furay sidee baan ula hadlaa.

 

Zubayr oo aad uga wal walsan xaskiisa ayaa wuxuu kusoo laabtay magaaladda Los Angeles wuxuuna tagay gurigiisii balse muxu kala kulmay?

 

Wuxuu kala kulmay dagaal uusan garaneynin waxa uu salka ku haayo, iyo aniga waad i furtay ee orad oo ku adkeyso naagta cusub ee aad iga raacday. Dadka deegaan ayaa ciidamada Amaanka ku war geliyey, waxaana la-sheegay in labadaba Maxkamad lasoo taagay.

 

Asia ayaa Maxkamadda kahor sheegtay in uu si gar-daro leh uu ku furay, taasoo ay marqaati uga dhigtay Text Message-kii uu u soo diray, iyadoo Maxkamadda tustay, balse Qareenka u doodaayay Mr Zubayr ayaa sheegay in uu ninkani habeenkii iska QARWO (Salalo’) taasoo uu ku micneeyay arin si kama’ ah u dhacday.

 

Mar Asia wax laga weydiiyay Salalka ama Qarowga Mr Zubayr, ayaa waxay sheegtay in ay dhici jirtay badanaa.

 

Si kastaba ha’ahaatee Mr Zubayr iyo Mrs Asia ayaa waxaa la-sheegay in ay hada yihiin kuwo heshiis ah, hal meelna kuwada nool.

 

Dhacdadaan ayaa waxaa si’aad ah u hadal haaya saxaafadda caalamka, sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa la-sheegay in ay ku cusub tahay caalamka.

 

Xasan Cadde

Isha Dhacdooyinka caalamka

Laacib143@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this