Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Ka Baxday Dacwadda Badda Ee Soomaaliya Ka Dhaxaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Kenya ayaa la sheegayaa in aanay ka qayb galahayn dhagaysiga dacwadda badda ee ka dhaxaysa dalka Soomaaliya, sida ay saaka ku warameen qaar ka mid ah warbaahita Kenya.

Wargayska ugu wayn Kenya ee Nation ayaa saaka daabacay in xukuumadda Nairobi ay ka baxday kiiska badda, ka hor maalinta Isniinta oo la dhagaysan lahaa sheegashooyinka labada dhinac.

Kenya ayaa la sheegayaa in ay rabto in dib loo dhigo dacwadda taasina ay tahay sababta ugu wayn ee dacwadda ay uga baxday. Waxa sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in Uhuru Kenyatta uu rabo in inta uu xafiiska joogo aan la xukumin kiiska badda, taas oo hadii Soomaaliya loo xukumo ku noqonaysa bar madaw.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this