Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Mucaaradka oo maanta u shirsan Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa maanta  kulan gaar ah la yeelan doona Midowga Murashixiinta Mucaaradsan Villa Somalia.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in Kulanka labad dhinac looga wada-hadli doono xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan, in dhinacyada maanta shirsan ay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan marxaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo.

Sidoo kale, waxay wadaan worshe hoose oo ku jihaysan, sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankan gaarka ah ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST

The post Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Mucaaradka oo maanta u shirsan Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this