Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo Wakiil u soo magacowday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1615637339392.jpg?resize=720%2C49

Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka guddoomay waraaqda aqoonsiga wakiil Imaaraadka u soo magacowday Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Muuse Biiixi waraaaqaha aqoonsiga ka guddoomay Abdulla Alnaqbi oo ah Wakiilka Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland.

FB_IMG_1615637351183.jpg?resize=720%2C45

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland wakiilka Imaaraadka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka la qorsheeyey inay Somaliland ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

Muuse Biixi ayaa magacaabista Wakiil Imaaraadka ku tilmaamay mid dhidibada u sii adkanaysa wadashaqaynta Somaliland iyo Imaaraadka.

Imaaraadka Carabta ayaa horey Somaliland ula galay heshiisyo ay kamid yihiin dekedda Berbera.

PUNTLAND POST

The post Imaaraadka oo Wakiil u soo magacowday Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this