Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16156444849090930.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayao ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada magaalada Muqdisho.

FB_IMG_16156341466934325.jpg?resize=720%

Madaxweyne Deni waxaa Muqdisho uga soo horreeyay cutubyo ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland, oo loogu talagalay sugida amniga madaxweyanaha iyo wafdigiisa.

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Dabaraani oo warbaahinta uga warbixiyay safar madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa sheegay in uu la xiiro arrimaha doorashooyinka, uuna ka qeybgalayo shirka maalmaha soo socda furmaya ee looga hadli doono doorashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this