Deeq A. Posted March 13, 2021 Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho. Sida ay GoobJoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiinka tirsan maamulka Puntland saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya Madaxweynaha Puntland in uu u soo duulo caasimadda dalka ee Muqdisho. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdishi kaga qeyb galayo shirka wada tashiga Arrimaha doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmayo maalmaha soo socda. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites