Deeq A. Posted March 13, 2021 Waxaa sakay gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Inta badan wadooyinka soo gaala wadada Maka Almukarama ayeey ciidamado ka celinayaan gadiidka dad weeynaha , iyadoo dadka ay lugta maalayaan. Isgooyska bakaaraha, Tarabuunka iyo dhamaan wadooyinka soo gala wadada Maka Almukaramah ayaa ka mid ah wadooyinka xiran. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ciidamada ay u xireen wadooyinka . Shacabka ayaana dhib badan kala kulmay xirnaanshaha wadooyinka caasimadda . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites