Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ilaalada Deni oo si aan horey loo arag u hubeysan oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Galinka Dambe ee maanta ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillahi Deni halkaas oo la filayo inuu uga qaybgalo wadahadallada madaxda Soomaaliya ee ku aadan xalinta khilaafka ka taagan qabashada doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

Goordhaweyd waxa Muqdisho ka dagtay diyaarad ay la socdeen ilaallada madaxweyne Deni oo horudhac u ah tagistiisa Halkaasi.

Muqdisho waxa horey u joogay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, inkastoo xubno kale ay wali ka maqan yihiin.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu shir uga furmay teendho ku taalo Afisyooni Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka ka furmayo Afisyooni ayaa waxaa gar wadeyn ka ah Beesha Caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro heshiis ku saabsan qaabka ah noqoneyso doorashada Soomaaliya.

deni1w.jpgdeni7.jpg deni6.jpg deni4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this