Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Suldaan Axmed Jaamac oo ku geeriyooday Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo ku geeriyooday waddanka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi waxa uu door weyn ka soo qaatay dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee dib u yagleelidda dowladnimadeenna iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna qeyb ka ahaa Wax-garadkii hoggaaminayey Shirkii Carta ee sannadkii 2000”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Suldaan Axmed Jaamac oo ku geeriyooday Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this