Deeq A. Posted March 11, 2021 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa degmada Booaaso u magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen ku meelgaara. Wareegto uu caawa soo saaray Madaxwene Deni ayaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Boosaaso. Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) ayaa hadda ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Puntland. Dhanka kale Axmed Nuur Huruuse ayaa si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa xalay isaguna sheegay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayay degmada Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa maanta kala kala diray golohii degaanka Degmada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Degmada Boosaaso oo maamul ku meelgaar ah loo magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites