Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasi Soomaaliya oo loo magacaabay Af-hayeenka uru Goboleedka IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasi Soomaaliya oo loo magacaabay Af-hayeenka uru Goboleedka IGAD

IGAD.jpg?resize=720%2C482&ssl=1Nuur Maxamuud Shiikh

Diblomaasi Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Af-hayeenka Rasmiga ah ee Urur Goboleedka IGAD, sida laga soo xigtay warqad ka soo baxday Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa waddanka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka cusub ee Urur Goboleedka IGAD.

The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay  in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedkan.

Mr. Nuur Maxamuud Shiikh, wuxu mudda 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda, isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Urur Goboleedka IGAD, waxa ku midaysan sideed waddan oo kala ah: Soomaaliya, kenya, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, Eritrea, Uganda iyo Sudan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this