Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Cali Mahdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Cali Mahdi  door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, islamarkaana muddo illaa saddex cisho hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooda

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this