Deeq A. Posted March 11, 2021 Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka Weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale & Cumar Dheere oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka uu ahaa goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howl-galkaasi ay ku soo qab-qabteen illaa 18 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka aasida qaraxyada miinooyinka. Ugu dambeyn saraakiisha ka warbixiyey howl-galka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Inta badan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya deegaanadaas gobolkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidanka huwanta. Share this post Link to post Share on other sites