Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeyay marxuun Cali Mahdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye

2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen

3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin

4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin

5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin

6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin

7. Durraan Axmed Faarax, Xubin

8. Cumar Cali Rooble, Xubin

9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin

10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin

11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo magacaabay guddi aas Qaran u sameeyay marxuun Cali Mahdi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this