Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ka hadashay Gulufka ka socda Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga, oo ay Boosaaso ku yeesheen Golaha xukuumadda Puntland.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in kulankaas looga hadlay dardar gelinta Hawlgallada Amni ee ka socda Gobolka Bari, oo meel wanaagsan maraya.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana dowlad iyo shacab loo guntaday sidii Argagixisada looga sifayn lahaa guud ahaan Puntland.

“Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ka hadashay Gulufka ka socda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this