Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16154004085796462.jpg?resize=624%

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa caawa ku geeriyooday Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya ee ku meelgaar ah burburkii kadib.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo u liitay maalmihii la soo dhafaay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne hore Cali Mahdi.

Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii 1938.

Wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, 1959 ayuu dalka Masar u aaday waxbarasho. Sanadkii 1969 ayuu isagoo aad u da’yar ka mid noqday Baarlamaankii Soomaaliya.

Cali Mahdi wuxuu muddo ka shaqeynayay wasaaradii caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna noqday Agaasime guud. Sanadki 1977 ayuu Cali Mahdi ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi. Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey 1977 iyo 1990 wuxuu ahaa ganacsade caana.

Siddeetamaadkii Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya.

1991 wuxuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, wuxuuna xilkaas ku magacownaa tan iyo Jun 1995.

Cali Mahdi mudadii uu madaxweynaha ahaa waxaa dagaalo lagu huubtay ay dhexmareen isaga iyo Gen. Maxamed Faarax Ceydiid oo rabay in uu xilka xoog uga qaado.

Cali Mahdi wuxuu xilkii ku madaxweyne ku wareejiyey shirkii Soomaalida Carta ee 2000.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this