Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal tacsiya u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladii Marxuum Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Galabta geeriyoodey.

Madaxweynaha Puntland isagoo ku hadlaya Magiciisa iyo kan Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka tacsiyaynayaa Geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

“Wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed, Wuxuu Nabadoon Soomaaliyeed , Wuxuu kaalin mugweyn kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, Waxaa lagu xasuusanayaa taariikhdiisa uu iga tagay Shacabka Soomaaliyeed, maalmihii u dambeysay Gurigiisa wuxuu ahaa mid ay taalay Gogol badan oo Dalka Xal loogu raadinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni isagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka ayuu tacsi u diray Qoyskii, Ehelkii iyo Shacabka Soomaaliyeed Geerida ku timid Marxuum Cali Mahdi. Wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Inuu ka waraabiyo Janadii Fardowsa,

Aaaamiiin Aaaaamiiin

aaaaamiiin

884605FA-1E6E-4671-97C5-E4255D499797.jpe

The post Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this