Deeq A. Posted March 10, 2021 Allaah u naxariisto waxaa goordhaw magaalada Niarobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahadi Maxamed . AUN madaxweynaha ayaa muddooyinkii u danbeysay ku xanuunsanayay dalkaas. Cali Mahadi Maxamed ayaa dhashay 1 January 1939 . Madaxweyne Cali ayaa 26 January 1991 loo doortay xilka madaxweynanimada Soomaaliya kadib markii uu dalka ka tagay Maxamed Siyaad Barre . Waxa uu sidoo kale December 1997 uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixday Heshiiskii Qaahira . Cali Mahadi ayaa ahaa rug caddaa Siyaasadeed iyo Oday dhaqan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites