Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo qaaday tallaabo muran leh oo ku aadan sharciyadda madaxweyne ee Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maanta qaaday tallaabo muran leh oo ay ku muujineyso in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday bil ka hor, uu weli haysto sharciyad madaxweyne.

Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada UK u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Kate Foster, oo dhamaadkii bishii hore timid dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa”.

Arrintaan ayaa waxaa dhowaanahan ka taagneyd dood adag, waxayna muran ka dhex dhalisay safaaradda UK ee Soomaaliya, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada ay iskaga horyimaadeen cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub, maadama uu Farmaajo ka dhamaaday muddo xileedkiisu.

Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, midaasi oo aheyn arrin ku cusub safaarada, sida ay ku doodeen.

Afar sano ka hor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya, David Concar ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo, maadama uu xiligaas kusoo aaday dhamaadka mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana warqadihii aqoonsiga laga guddoomay 18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo.

Kate Foster ayaa lasoo warinaya inay hore uga madax adeygtay inay waraaqaha aqoonsiga u gudbiso Farmaajo, maadama uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga, mana cada sababta xiligan ku kaliftay arrintaas.

Sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in madaxweynaha dalka uu ka guddoomo danjirayaasha dalalka caalamka aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilaaban, hase yeeshe xiligana Soomaaliya malaha madaxweyne sharci ah, waxaana dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.

Si kastabam UK ayaa maanta sharciyad siisay Farmaajo inkasta oo sida ku cad dastuurka uu muddo xileedkiisa sharciga ahaa dhammaaday.
159311651_3838997379518045_2848809799830 159412604_3838997502851366_7801829268737 159022452_3838997486184701_7173513467119 158912452_3838997802851336_2788197933711 159446581_3838997816184668_1152336537226 159070758_3838997906184659_6329169636881 159582275_3839005459517237_7911587121800

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this