Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo ku geeriyooday Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Allah u naxariistee, waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka, sida ay xaqiijiyeen ehelada xildhibaanka.

Guddoonka, Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha shacabka ayaa iyagu dhankooda ka tacsiyeeyey, waxayna allah uga baryayaan ehelkii Iyo Qaraabadiisii inuu samir iyo imaan kasiiyo, Isaga allah janadii fardowsa ka waraabiyo.

Xildhibaanka Maxamuud Boonow waxaa uu sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda  amniga gudaha xukuumaddii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu  soo noqday Wasiir dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this