Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan DFS oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
20210310_151009.jpg?resize=694%2C646&ssl

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Lama xaqiijin in marxuumku uu u geeriyooday iyo kale xanuunka Covid-19 oo Soomaaliya ku soo laba kacleeeyay.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow ayaa waxa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ,isagoo wasiir kasoo noqday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, sidoo kalena waxaa wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga ka ahaa xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo muddo dheer ku jiray siyaasadda, waxa uu dhanka kale ahaa ganacsade caan ka ah deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan DFS oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this